Advertisements
Wararka

Shaqaale lagu ciqaabo in ay cunaan Baranbaro ama cabaan biyaha musqusha…


Cabitaanka kaadida iyo cunista baranbarada ayaa ka mid ah ciqaab ay soo rogtay shirkad Shiineeys ah oo dayactirta guryaha shaqaalihii ku guuldarraysta in uu gabo shaqadiisa, haddii kale waxaa masiirkooda yahay in lagu garaaco suun.

Qaar kale ayaa waxay ku qasbanaadaan inay dhammaan timaha laga xiiro, ama waxay ka cabbaan biyaha musqusha, waxaanna loo diidaa mushaarkooda bil, sida ay muujinayaan cajalado video ah iyo sawiro lagu baahiyey baraha bulshada Shiinaha, laguna soo qaatay warbaahinta rasmiga ah.

Shirkadda ayaa si rasmi ah u fulisa ciqaabta iyadoo shaqaalaha intooda kale daawanayaan, sida warbaahinta rasmiga ay warisay, sidaasi waxaa ka sheekeeyey shaqaalihii ka tagay shirkada.

Sidoo kale Kuwa ka baaqsada ama hilmaama in ay xirtaan kabaha maqaarka ama ku iman dharka shaqada, waxay bixiyaan ganaax dhan 50 yuan ($ 7.20).

Si kastaba ha ahaatee, shaqaalaha badankood ayaa doorbiday in ay iska shaqeeystaan inkastoo ciqaabtu ay adag tahay, sida lagu sheegay war saxaafadeed rasmi ah.

Qoraal ka soo baxay xafiiska amniga bulshada oo lagu baahiyey warbaahinta bulshada ayaa soo wariyay in sedex agaasime ee shirkada lagu xukumay shan ilaa toban maalmood oo xabsi ah iyaga oo lagu eedeeyey dhibaateynta dad kale.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: