Advertisements
Wararka

Xabaal wadareed laga helay xadka labada maamul ee Soomaalida iyo Oromia…


Booliska Itoobiya ayaa sheegay inay ka heleen xabaalo wadareed ay ku aasan yihiin illaa labo boqol oo ruux meel ku dhow xadka labada maamul ee Soomaalida iyo Oromia.

Boqolaal kun oo ruux ayaa ku barakacay sanadkii hore rabshado ka dhacay deeganadaas. Waxaa socda hadda baaritaan lagu doonayo in lagu aqoonsado meydadka laga helay xabaalo wadareedka.

Warbaahin maxali ah ayaa sheegtay in xabaalahan la helay kadib markii baaritaano laga sameeyay gabood falo uu sameeyay Madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee gobolka Soomaalida ayaa weli waxa ay dacwad ugaga socotaa maxkamad ku taal magaalada Addis Ababa iyadoo la filayo in markale maanta la soo taago.

Ciidamada Liyu Boolis ayaa lagu eedeynayaa inay dad badan ku dileen deegaanada u dhexeeya gobolka Soomaalida iyo Oromada waxaana ay si toos ah ugaga amar qaadanayeen Madaxweynihii hore.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qasbay in uu is casilo bishii August ee sanadkan waxaana la xirey toddobaadyo kadib markii banaanbaxyo rabshado wata ay ka dhaceen magaalada Jigjiga.

Bishii la soo dhaafay ayaa wakaalada wararka ee Fana waxa ay shaacisay in uu isku dayay Cabdi Maxamuud Cumar inuu ka baxsado xabsiga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: