Advertisements
Wararka

AUN tababarihii hore ee xulka qaranka ee kubadda koleyga Cabdi dheere oo geeriyooday…


Tabbabarihii hore ee xulka qaranka Soomaaliya ee kubadda Kolayga macallin Cabdi Maxamed Cige oo ku magac dheeraa Cabdi Dheere ayaa galinkii dambe ee shalay ku geeriyooday magaalada Toronto ee dalka Canada.

Tabbabare Cabdi Dheere ayaa wuxuu ka mid ahaa cayaartooydii kooxda Jeenyo ee dhowr jeer qaaday horyaalka kubadda kolayga sannadihii 80 tamaadka, wuxuuna ka mid noqday tabbabarayaashii kubadda kuleyga ee qaranka Soomaaliyeed.

Intii uu ahaa tabbabaraha qaranka, macallin Cabdi Dheere waxaa kooxda qaranka ee kubadda kolayga u suura-gashay in ay guulu ka soo hooyaan qaaradda Afrika iyo waliba jaamacadda carabta.

Allaha u naxaristo tabbabare,Cabdi Dheere ayaa in muddo ahba ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla magaalada Toronto, waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Toronto oo uu in muddo ah degganaa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5398 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: