Advertisements
Wararka

Shabaab oo shaacisay magaca/qabiilka mid ka mid ah raggii fuliyey weerarkii Hotel Saxafi…


Sida ay baahisay Idaacada ku hadasha afka Shabaab ee Andalus, waxa ay soo bandhigeen Wareysi laga qaaday mid ka mid ahaa raggii fuliyay weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho jimcihii la soo dhaafay.

Weerarkaasi Hotel Saxafi, waxaa ku dhintay dad gaaraya 52 ruux, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay 106 ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab masaakiin ah oo wadada maraayay, kadib markii Shabaab halkaasi ay ku qarxiyeen saddex gaadiid.

Ninkaan ay soo bandhigeen Shabaab Wareysigiisa waxa ay ku sheegeen magaciisa Axmed Aadan Mursal oo Axmed Gaduud loo yaqaanay, wuxuuna ka soo jeedaa qabiilka Hadamo, gaar ahaan Jufada Liksi ee degta Degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool.

Ninkaan oo ka hor inta aanan weerarkaasi lagu dilin Wareysi siiyay Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Shabaab, ayaa wuxuu sheegay in Alle dartii uu u dagaalamayo, isaga oo ugu dambeyn sababsaday dad Muslimiin ah inuu laayo, taasi oo qayb ka ah fekerka Shabaab ay ku qaldaan dhalinyarada Somaliyeed.

Axmed gaduud ayaa wuxuu ka tirsanaan jiray jabhada Shabaab ee ka hawlgasha Gobolka Bakool, isaga oo muddo halkaasi ka dagaalami jiray.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: