Advertisements
Wararka

Booliska Baydhabo oo kala ceyriyey dad dhigayey dibadbax lagu taageerayey Roobow…


Booliiska magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa kala eryay dad shacab ah oo dibadbax ka dhigayay magaalada kuwaa oo taageero u muujinayay mid ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed,

Dadkan ayaa ku qeylinayay erayo ay ku taageerayaan musharaxa madaxweyne Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur iyaga oo ka dalbaday xildhibaannada in ay maqlaan codka shacabka, islamarkaana doortaan Mukhtaar Rooboow.

Wararka ayaa sheegaya in banaan baxyadan ay yihiin kuwo laga abaabulay deegaanada Koonfur Galbeed, kaasoo ujeedkiisa yahay sidii Xildhibaanada Koonfur Galbeed culeys loogu saari lahaa inay doortaan Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Taliska Booliska Gobolka Baay ayaa soo saaray awaamiir ka dhan ah dadka dibad baxyada ka dhigaya magaalada, waxaana ay uga digeen shacabka inay qabtaan banaan bax aanay fasax u heysan.

Rooboow waxaa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka Al-shabaab isaga oo soo noqday ku-xigeenka amiirka ugu sareeya Ururka, dhawaanna dowladda Soomaaliya waxaa ay ka joojisay in uu doorashada ka qeyb-qaato, laakiin hadda wali waa musharax isaga oo helay shahaadada guddiga doorashada ee musharxnimo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5398 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: