Advertisements
Wararka

Dowlada Turkiga oo ku baaqday in lagu sameeyo baaritaan caalami ah dilkii Khashoggi…


Dowlada Turkiga ayaa ku baaqday in baaritaan caalami ah lagu saameyo dilkii loo geestay wariyihii u dhashay Sacuudiga ee lagu Magacaabi Jiray Jamal Khashoggi, oo 2-dii bishii October lagu Dilay safaarada Sacuudiga ee Magaalada Istanbul.

Wasiirka Arimaha Dibeda Mevlut Cavusoglu oo ka hor hadlayay xubnaha barlamaanka ayaa waxaa uu sheegay in waxkasta oo ay ku qaadato ay sameyn doonaan si gacanta loogu soo dhigo kuwii dilka geystay.

Dhanka madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in cadeymaha ay soo aruuriyeen iyo xogta ay hayaan ay la wadaageen wadamada daneynayay oo uu ka mid yahay Mareykanka.

Turkiga ayaa dhanka kale ku baaqaay in ay ka qeyb qaadan doonaan baaritaan caalami ah oo lagu sameeyo dilka Jamal, waxaana ay Qaramada Midoobay ugu baaqday in ay ka qeyb qaadato.

Dilka wariye Jamal Khashoggi ayaa lagu tuhmayaa in ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad ka tirsan boqortooyada Sacuudiga oo marar badan uu saxafigaan uu dhaliilay hanaankooda siyaasadeed.

2-dii bishii October ayaa waxaa uu warqad cadeyneysa in ay kala tageen xaaskii hore waxaa uu ka doontay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul iyadoo todobaadyo baadi goob loogu jiray kadib la xaqiijiyay in lagu dhexdilay gudaha Qunsuliyada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5394 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: