Advertisements
Wararka

Golaha wasiirada Britain oo ansixiyey heshiiska UK uga baxayso Midowga Yurub…


Wasiirada dowladda Britain ayaa ansixiyay heshiiska qabya qoraalka ee ay UK kaga baxayso Midowgga Yurub.

Wasiirada ayaa ansixintan sameeyay ka dib markii ay yeesheen 5 sacadood oo dood ah oo ay arrintan uga wadaxaajoonayeen.

Waxa ay sidoo kale golaha wasiirada Britain ay ansixiyeen qorsha qeexaya xiriirka ay mustaqbalka yeelan doonaan UK iyo Midowga Yurub.

Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday qorshahan cusub ee ay ansixiyeen golaha wasiirada.

Waxa ay Mrs May arrintani ku tilmaamtay tallaabo muhim ah oo ay si adag u rumaysan tahay in ay ku jirto danta qaranka.

Rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa inta ku dartay in heshiskan uu difaacayo shaqooyiinka,ammaanka iyo sharafta dastuurka UK islamarkana uu dib u soo celinayo in Britain ay kontaroosho sharciyadeed iyo xudduudaheeda.

Waxay xustay in go’aankan uu yahay khiyar adag gaar ahaan marka ay timado arrinta xuduuda waqooyiga Ireland.

Mrs May ayaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah ay hadal ka jeediso baarlamaanka dalka Britain.

Waxaa sidoo kale jiray dhaliil uga imanaysay xubno xisbigeeda ka tirsan oo iyagu taageera ka bixitaan Britain ee Midowga Yurub.

Dhinaca kale xoghayihii u qaabilsanaa Brexit ee Britain Dominic Raab ayaa iska casilay xilkii, iyadoo sidoo kale horey isaga casilay isla booskaasi David Davis, taasi ayaa waxaa loo arkaa in ay daliil u tahay howshu in ayna aheyn mid fudud.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5398 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: