Advertisements
Wararka

M/weynaha Somalia oo ka hadlay xiriirka cusub ee wadamada Somalia, Ethiopia iyo Eritrea…


Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay si faahfaahsan ugaga hadlay xiriirka cusub ee wadamada Soomaaliya,Ethiopia iyo Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay xiriirka dalalka Gobolka, Iskaashiga Dhaqaale ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea iyo mustaqbalka waxa uu Soomaaliya uga dhiganyahay heshiiska saddex geesoodka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tobanaankii sano ee ugu dambeeyay Soomaaliya lagu hayay faragelin toos ah balse waxaa uu xusay in madaxda dhiggiisa uu kala hadlay in Soomaaliya laga daayo faragelinta, taasi oo keentay in la helo iskaashi balaaran oo dhex mara dalalka Geeska Afrika.

“Shirkii ugu horeeyay ee saddex geesoodka ahaa waxa uu ka dhacay Asmara, Eritrea, kii labaad waxa uu ahaa isbuucii la soo dhaafay Bhar Dar Ethiopia, kan saddexaadna waxa uu ka dhici doonaa Soomaaliya, haddii uu Alle yiraahdo”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shacabka u rajeeyay in iskaashigan ay wax badan ka faa’iideysan doonaan.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa boogaadiyey go’aanki Golaha Ammaanka ee ay cunaqabateynta uga qaadeen dalka Eritrea.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5395 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: