Advertisements
Wararka

Shirkada Uber ayaa khasaartay $1.07 bilyan dollar rubacii ugu dambeeyey ee sanadkan…


Shirkada Uber ayaa $ 1.07 bilyan kaga lumay adeegga kirada baabuurta saddexdii bilood ee ugu dambeeysay ee dhamaadka Sebtembar iyada oo shirkaddu isku diyaarinayso inay ka qeyb gasho suuqa saamiyada sanadka soo socda.

khasaaraha shirkadda Mareykanka ayaa xoog kor ugu kacay rubacii ugu dambeeyey ee sanadka, halka ay ka heshay koror yar dhinaca dakhligeeda.

Qiimaha shirkada Uber ee suuqa ayaa dhawaan lagu qiyaasay $ 72 billion, taasi ayaa waxaa ay ka dhigeysaa mid ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ugu qiimaha sareeya adduunka.

Shirkadda ayaa haatan cadaadis lagu saarayaa in ay kordhiso faa’idadeeda, hadii ay doonayaan inay ku guulaystaan ​​hirgelinta qorshe ee ka mid noqoshada suuqa saamiyada ee sanadka soo socda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: