Advertisements
Wararka

Xeer Ilaalinta Sacuudiga oo soo bandhigtay natiijada kiiska dilkii Jamal Khashoggi…


Xeer Ilaalinta guud ee Saudi Arabia ayaa ku dhawaaqday natiijada ay baaritaan lagu sameeyey kiiska dilkii Jamal Khashoggi, wuxuu sheegay in kooxda Sacuudiga ee loo diray Istanbul ay u socdeen in ay ka soo dhaadhiciyaan Khashoggi in dalka ku noqdo, laakiin hogaamiyahii kooxda ayaa amray in la dilo oo la jarjaray jirkiisa kadibna loo dhiibay qof Turki oo iskaashi la lahaa.

Afhayeen u hadlay xeer ilaalinta Sacuudiga ayaa shir jaraa’id maanta oo khamiis ah ku sheegay in xeer ilaalintu ku soo oogtay dacwad ka dhan ah 11 xubnood oo ka mid ah kuwa ku xiran Sacuudiga, waxay dalbatay in ciqaabta dilka la mariyo shan ka mid ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in baaritaanka Sacuudiga lagu ogaaday in ku xigeenka madaxa sirdoonka Sacuudiga uu bixiyey amarka kooxda ay ugu soo celineysey Khashoggi Sacuudiga si ogolaanshihiisa ah ama xoog ah.

Wuxuu intaa ku daray habka dambiga loo galay ayaa ku bilowday carro iyo dagaal oo kadibna lagu mudday cirbid suuxdin oo xad dhaaf ah taasi oo keentay dhimashadiisa, wuxuu cadeeyey amarka dilka Khashoggi waxaa bixiyey hogaamiyaha kooxda ee loo diray gorgortanka.

Afhayeenka ayaa sheegay in kooxda Sacuudiga ay jarjareen jirka meydka Khashoggi kadib markii ay dileen, kadibna waxay ka saareen dhismaha qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul, halkaasi oo lagu galy dambiga, kadibna waxay u dhiibeen qof Turki oo la shaqeeya, wuxuu kaloo ku daray in mid ka mid ah kooxda uu hakad geliyey dhammaan kaamarooyinka wax ilaaliya ee gudaha dhismaha qunsuliyada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: