Advertisements
Wararka

Al-Shabaab oo go’doomisay degmada Beled Xaawo kadib markii laga saaray xaasaskooda…


Maamulka Degmada Beled Xaawo ayaa fuliyay awaamiir ay horay u soo saareen oo la xiriirtay in Magaaladaasi ay isaga baxaan Xaasaska Shabaab iyo carruurtooda ee Beled Xaawo amniga ku haysta.

Maamulka Degmada Beled Xaawo, ayaa la sheegay inuu fuliyay amarkaasi, kadib markii Maamulka uu iska diiday Odayaal ay soo direen Shabaab oo ku hanjabay inay go’doon galinayaan Magaalada Beled Xaawo, haddii xaasaskooda laga soo saaro Magaaladaasi.

Haweenay ku sugan Magaalada Beled Xaawo, ayaa sheegtay in Magaalada culeys laga daremaayo, kadib markii xaasaska Shabaab laga saaray Magaalada, iyadoo maamulka uu fulinaayo amarkii uu soo saaray.

Al Shabaab ayaa la sheegay inay go’doomiyeen Magaalada Beled Xaawo oo gaadiidka xamuulka ee Magaaladaasi galaya iyo kuwa ka soo baxaya labadaba amaro kala duwan ay dul dhigeen.

Dadka ku nool Magaalada Beled Xaawo, ayaa muujinaya walaac xooggan oo ku aadan xaaladan ku soo korodhay Magaaladaasi iyo go’doominta Shabaab ay go’doomiyeen Magaalada Beled Xaawo.

Xoogaga Shabaab ayaa magaalooyinka waaweyn ee ay gacanta ku hayaan Maamulada dalka ka jira iyo dowladda waxaa u jooga xaasaskooda iyo carruurta ay dhaleen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: