Advertisements
Wararka

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo ka kooban 15 xubnood ayaa maanta lagu dhawaaqay…


Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed islamarkaana ah ku-simaha madaxweynaha C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa ku dhawaaqay guddi doorasho oo ku kooban 15 xubnood.

Guddigan ayaa markii la magacaabay kaddib waxaa la horgeeyay fadhiga xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed oo iyaguna ku ansixiyay cod aqlabiyad ah.

Gudigan oo badali doonaan xubnihii horey isku casilay ayaa laga sugayaa dhameystirka howlaha ka dhiman qabanqaabada loogu jiro doorashada, kaddib markii ay dib uga dhacday waqtiggii loo idmaday maanta oo ay taariikhdu tahay 17ka bisha.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ah mid siweyn isha loogu wada hayo oo ay ku loolami doonaan musharixiin dhowr ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5395 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: