Advertisements
Wararka

Hay’ada CIA-da oo ku eedeysay Amiir Maxamed bin Salman inuu ka danbeeyey dilkii Khashoggi…


Hay’adda Sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA da ayaa sheegtay in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu ka danbeeyay dilkii Wariye Jamaal Khashoggi oo 2dii bishii October ee sanadkan lagu dhex dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

CIA ayaa si toos ah u sheegtay in Amir Maxamed Bin Salmaan uu bixiyay amarka lagu qaarijiyay wariye Jamal, hadalkaasi oo noqonayo mid kasoo horjeeda sheegashada Dowladda Sacuudiga ay sheegatay in Amiirka iyo gebi ahaan Dowladda Boqortooyada Sacuudiga uusan wax lug ah aysan ku laheyn dilka Wariyaha.

Warka ka soo baxay hay’adda CIA da ayaa sidoo kale lagu sheegay in dilkan ay fuliyeen 15 Nin oo markii danbe ka raacay magaalada Istanbul diyaarad ay leedahay Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo warkan uu meesha ka saarayo hadalkii uu soo saaray ku-xigeeenka xeer ilaaliyaha dalka Sacuudi Arabia oo dilka Khashoggi ka fogeeyay Amiir Maxamed bin Salman.

Saraakiil u hadlay CIA ayaa sheegay in natiijada baaritaankooda ay u gudbin doonaan Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaasi si tilaabada ku habooon ay kaga qaadaan dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: