Advertisements
Wararka

M/weynaha Somalia oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Mareykanka…


Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay xarunta Xalane oo ku taal xeyndaabka sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo wada hadalo kula qaatay Amb. Donald Yamamoto.

Barta Twitterka ee Villa Somalia ayaa la soo dhigay qoraal kooban iyo sawirada Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomaya Donald Yamamoto.

Inta badan Diblomaasiyiinta Mareykanka ayaa loo ogoleyn inay soo dhaafaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, waana tan keentay in Madaxweynaha uu ugu tago Xarunta Xalane Amb. Yamamoto, halkii ay aheyd inuu Madaxtooyada ku qaabilo oo uu waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomo.

Waa markii u horeysay Madaxweyne Soomaaliyeed oo waraaqo aqoonsi uu Safaarad dhexdeeda uu waraaqo aqoonsi kaga guddoomay Safiir dal kale wakiil ka ah

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa sanadkii 2016 waraaqaha aqoonsiga waxaa uu safaaradda Mareykanka ee Xalane kaga guddoomay Safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliy Micheal Schwartz oo sanadki hore is casilay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: