Advertisements
Wararka

Somalia oo ku sheegtay tallaabo hore loo qaaday helida xaqiiqda dhabta ah ee dilka Khashoggi…


Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay soo dhoweyneyso baaritaanka ay Boqortoyada Sacudi Carabiya ee dilkii Jamal Khashoggi.

“Soomaaliya waxa ay u aragtaa tallaabo hore loo qaaday in la helo xaqiiqda dhabta ah ee ka dambeysa dilka Jamal Khashoggi.”ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay maanta Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya.

Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa dacwad oogaheeda waxa uu dhowaan sheegay in dilka Jamal khashoggi ay ka dambeeyeen shan ruux oo ka mid ahayd koox ka koobneyd 18 ruux oo tegey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Dacwad oogaha ayaa codsaday in dil lagu xukumo shantaa ruux oo ka mid ah sirdoonka dalka Sacudi Carabiya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: