Advertisements
Wararka

Madaxweyne Geelle oo Addis Ababa wada hadalo kula yeeshay R/wasaaraha Itoobiya…


Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa halkaasoo uu wadahadalo kula yeeshay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waxaa kulanka looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda geeska Afrika, xiriirka Itoobiya iyo Jabuuti, cunaqabateyntii dhowaan laga qaaday Eritrea.

Madaxweyne Geelle ayaa Ra’isul wasaare Abiy uga mahad celiyey kaalintii uu ka qaatay in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.

Qodobada kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah sidii Itoobiya kaalin uga qaadan lahayd dib u soo celinta xiriirka Eritrea iyo Jabuuti iyo xalinta muranka dhinaca xadka ah ee labada dhinac u dhexeeya.

Geelle oo Addis Ababa kaga qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaalka ay dowladaha Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ka muujiyeen is dhexgalka dhinaca dhaqaalaha Bariga Afrika.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: