Advertisements
Wararka

Cabdirisaaq Cumar oo ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland oo xukun dil ah lagu fuliyey…


Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi oo ka tirsanaa ciidanka Daraawiishka Jubbaland, kaas oo 27-dii bishii October ee sanadkaan ku dilay magaalada Kismaayo Nabadoon Xassan Goolo oo ka mid ahaa Odeyaasha dhaqanka Jubbaland.

Maxkamadda ayaa 6-dii bishaan November ridday xukunka dilka ah ee qisaasta Nabadoonka, laguna riday eedaysane Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi.

loo wado geedka

Askariga saaka la toogtay ee Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi ayaa kamid ahaa koox ka koobnayd 11 ruux kuwaasi oo dhamaantood lagu riday xukunno ku saleysan denbiyadii ay galeen oo ahaa abuurista falal amni darro oo uu qayb ka ahaa dilka Nabadoonka.

Nabadoon Xassan Goolo oo ku baxay gacanta askariga saaka la qisaasay xilligaas wuxuu kooxda ugu tegay waan waan iyo in uu ku qanciyo joojinta falalka ay ku khal khal gelinaayeen nabadgelyada.

Jubbaland ayaa sheegtay askari kasta oo Ku cadaato fal dil ah ee uu gaystay maxkamadda inay ka qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: