Advertisements
Wararka

M/weyne Trump ayaa sheegay in uusan dhageysan doonin cod laga duubay dilka Khashoggi…


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in lala wadaagay macluumaad ku saabsan cod laga duubay dilka Jamal Kashoggi oo ahaa Saxafi u dhashay Sacuudiga oo bishii October ee la soo dhaafay lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ku leeyahay Istanbul.

Trump ayaa sheegay codkaas aanu si shaqsi ah u dhageysan doonin, isagoo xusay in lagula taliyey inuusan dhageysan, sababtoo ah waxaa loogu sheegay in uu yahay cod qof la dilayo oo la marsiinayo cadaab argagax iyo naxariis daro ka muuqata, wuxuu ku tilmaamay inay tahay fal aad u fool xun oo lagula kacay suxufigaasi.

“Wax kasta oo cajalka ku duuban waa ogahay, waa duubis laga sameeyay cod sakaarad ah, waana arrin aad u fool xun” ayuu yiri Trump oo wareysi siiyay warbaahinta Fox News.

CIA-da Mareykanka ayaa dhowaan sheegtay in amarka dilka Jamal Kashoggi uu bixiyay Amiirka dhaxalsugaha ah Mohamed Bin Salmaan.

Hase ahaatee dowladda Sacuudiga ayaa beenisay sheegashadaas, kuna tilmaamtay wax xaqiiqada ka fog.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa sheegay in Mohamed Bin Salmaan uu u sheegay in aanu dilkaas waxba ka ogeyn.

Dowladda Turkiga ayaa dhowaan dalalka ay xulafada la tahay la wadaagtay cod laga duubay dilka Jamal Kashoggi oo lagu dhex dilay dhismaha Qunsuliyadda Sacuudiga ku leeyahay Istanbul.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: