Advertisements
Wararka

Wadamada Turkiga, Iiraan iyo Ruushka oo arrinta Suuriya ugu kulmaya magaalada Astana…


Wadamada Turkiga, Iiraan iyo Ruushka ayaa todobaadka soo socda oo ku beegan 28 iyo 29-ka November waxay kulan looga arinsanayo xaalada Suuriya ku yeelan doonaan magaalada Astana ee caasimada Kazakhstan.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb gali doona wafuud ka socota dowlada iyo Mucaaradka Suuriya,sida uu u xaqiijiyay wasiirka arimaha dibeda Kazakhstan Kairat Abdrakhmanov.

Mr Kairat ayaa arintaan uga waramay wakaalada wararka Ruushka ee Tass isniinta maanta.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in kulankaan lagu casuumay Qaramada Midoobay iyo wadanka Jordan ay korjoogto ka noqdaan.

Kulankaan kulankii ka horeeyay oo ahaa kii 11-aad ee looga hadlo xaalada Suuriya ayaa waxaa uu ka dhacay wadanka Ruushka.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay kulankaan ayaa waxay ay tahay sidii loo sameyn lahaa jawi nabadeed si loo yareeyo colaada ka jirta Suuriya.

Dagaalka sokeeye ee dalkaas ka qarxay sanadkii 2011-kii ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 360,000 oo u badan shacabka Suuriya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: