Advertisements
Wararka

Wasiirka Maaliyada oo ka jawaabay eedeyn Wasaaradiisa uga timid Golaha Shacabka…


Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka jawaabay warbixin ay soo saareen Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo eedeyn loogu jeediyay Wasaaradda Maaliyadda.

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in haatan isbadal wayn uu ka jiro Maamulka Maaliyadda Soomaalia isla markaana taasi ay keentay in caalamku uu aamino dalkeena, wuxuuna xusay inay diyaar u yihiin inay hortagaan Guddiga Maaliyadda iyo Golaha Shacabka si ay uga jawaabaan wax kasta oo madmow uu ku jiro.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la tixgaliyo hanaanka lagu horumarinaayo Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in ay baarayaan eedeynta kaga timid Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: