Advertisements
Wararka

Maxkamad ku taallo Imaaraadka Carabta ayaa xabsi daa’in ku xukuntay arday British ah…


Dowlada Imaaraadka carabta ayaa xabsi daain ku xukuntay arday u dhashay Ingriiska oo lagu magacaabo Matthew Hedges maanta oo Arbaco sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay qoyska uu wiilkan ka soo jeedo.

Mar uu la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa waxaa uu xaqiijiyay in kaliya uu cadeyn karo xarigan.

Mr Matthew Hedges ayaa lagu eedeyay in uu basaasnimo u joogay Imaaraadka carabta.

Ka hor inta uu dhicin xukunka ayaa waxaa la dhageystay dacwada eedeysanaha in ka yar shan daqiiqo iyadoo qareenka ardaygaan uu ka maqnaa maxkamada.

Hedges, oo 31 jir ah ayaa diyaarinaya Darajada ugu sareysa aqoonta ee PhD-da waxaana cilmi baaris ku sameynayay siyaasada arimaha dibeda iyo amniga Imaaraadka carabta,sanadkii 2011-kii oo uu dhacay kacdoonkii carabta waxaana 5-tii May lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dubai.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: