Advertisements
Wararka

Xiddiga Bollywood Amitabh Bachchan ayaa bixiyey deynta lagu lahaa boqolaal beeraley ah…


Xiddiga Bollywood, Amitabh Bachchan ayaa sheegay in uu bixiyey daynta boqolaal beeralay oo qiimaha ugu kacay ay gaareyso qiyaastii nus milyan doolar.

Xiddiga reer India ayaa ku qoray blog oo uu ku balanqaadayo in uu kafiisho deymaha beeralay gaarayo 1398 beeralay, wuxuu sheegay in uu dareensan yahay in uu “ka gaaray guul weyn.”

Waxaa uu sheegay in ay ka mid ahaayeen dhamaan beeraleyda gobolka Uttar Pradesh, halkaas oo uu ku dhashay.

Toboneeyo kun oo beeralay Hindi ah ayaa qoorta ugu jirta deyman, iyadoo waaxda beeraha ay ka cabanayaan sannooyin badan oo abaar ah iyo biyo yaraan iyo wax soo saarkii oo hoos u dhacay iyada oo aan jirin qalabka casriga ah ee beeraha lagu qoto.

Beeralay Hindi.jpg

Beeraleyda ayaa is dhaafiya naftooda markay arkaan in ayna ka bixi karin gudista deynta, waxaa arrintan darteed isu dilay 300 kun oo beeralay dalka Hindiya tan iyo sanadkii 1995.

Amitabh Bachchan oo da’diisu tahay 76 sano, ayaa ka mid ah jilayaasha ugu caansan India.

Deymaha lagu lahaa beeraleyda ayuu ku bixiyey bankiga Hindiya ee xukuumadu leedahay, bankiga ayaa ku soo qoray bartiisa xogta qiimaha uu bixiyey xiddiga aflaamta.

Tani ayaa ah oo keliya beeraleyda soo xaadirtay guriga xiddiga Amitabh Bachchan ee ku yaallo magaalada Mumbai, beeraleyda badankooda ayaa u fududaan weysay in ay gaaraan Mumbai.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: