Advertisements
Wararka

Play Store-ka Google oo weli ku jira App-yo haddii la soo dejisto u dusa xogaha shaqsiga…


Inkastoo dadaalka ay qaar ka mid ah App-yada casriga ah ee telefoonada ku shaqeeya nidaamka Android ee Shirkada Google aad loo ilaaliyo hadana ay weli jirto qaar waxyeelo leh sida barnaamijyada ama Software-da xun xun ee u dusa xogaha shaqsiga.

Shirkadda ammaanka macluumaadka caanka ah “ESET” ayaa soo saartay Warbixin ay ku sheegeyso in tiro badan App-yada Google-ka ee (play store) ay ku jiraan barnaamijyo ama Software xun ama khatar ah.

Warbixinta ayaa xaqiijisay in qaar ka mid ah codsiyada ama App-yada sida kuwa adeegyada maaliyadeed oo u baahan in aad gelisid magacaaga iyo kelmada sirta ah (password) oo la isaga kaa dhigo hey’adaha maaliyadeed ee aad la macaamishid, taasi oo ah shirqool ay isticmaalaan kuwa internet-ka jabsada ama (hackers) nidaamkaasi oo loo yaqaano Trojan horse.

Tani ma aha markii ugu horeysay ee shirkadaha ammaanka ee ku takhasusay macluumaadka ay soo saaraan digniino ku socda App-yada (play store) Google.

Halkan ka daalaco liiska qaar ka mid ah software-da la geliyey liiska madow: Master Cleaner- CPU Booster, Super Boost Cleaner, Daily Horoscope Free, Phone Booster-Clean Master, Free Daily Horoscope, 2019 Phone Power Booster, Speed Cleaner-CPU Cooler.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: