Advertisements
Wararka

Tallaabo adag oo laga qaadi doono ganacsatada dhuxusha ka dhoofisa Somalia…

Militia allied with the Federal Government of Somalia and Kenyan Defence force soldiers walk through a charcoal loading area in Burgabo, Southern Somalia on December 14, 2011. Burgabo is a Somalian port village which has been secured by Kenyan forces as they advance further up the Somali coastline in search of Al-Shabaab fighters. AFP PHOTO/Carl de Souza (Photo credit should read CARL DE SOUZA/AFP/Getty Images)

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto ganacsatada ka dhoofisa dalka dhuxusha.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay soo saarista shuruuc adag oo looga hortagayo dhoofinta dhuxusha oo hore dalka looga mamnuucay.

”Waxaan horgeyn doonaa dhowaan Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka sharciyo xadidaya dhoofinta dhuxusha iyo ciqaabta kuwa ka ganacsadda.”ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga.

Maxamed Cabdi Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya dhuxusha si joogto ah loo dhoofiyo in ay keentay in dowlad xooggan oo dalka oo dhan Kontarooli karta in aysan dalka ka jirin.

Dhowaan ayaa warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay waxa ay ku sheegtay in si joogta ah loogaga dhoofiyo dekeda Kismaayo dhuxusha.

Maamulka Jubbaland oo khilaaf uu kala dhexeeyo dowlada federalka ayaa lacago faro badan oo canshuur ah waxa uu ka helaa dhoofinta dhuxusha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: