Advertisements
Wararka

Wasiirka Maaliyada oo iska difaacay eedeyntii Guddiga Maaliyada ee Baarlamaanka…


Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlayay kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa iska difaacay eedeynta Guddiga Maaliyadda, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixintaas.

Mr Beyle ayaa sheegay in lacagtii 50 milyan ee Sacuudiga soo dhiibay aysan ku dhicin Bangiga Dhexe, balse ay ku dhacday Bangi ku yaalla Turkiga, halkaasoo uu xusay in laga maamulay.

“Waxaan ku shaqaynaa nidaam caalami ah, waxaana nagula xiray 14 qodob oo habeen waliba nagula yiraahdo. Guddigu waxay ahayd in ay anaga nala tashadaan intii ay warqad u qori lahaayeen warbaahinta, anagaa ku jirna ceelka guntiisee, Arintaan waxa ay nagu noqotay dhabar jab iyo in dib noola celiyo” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxaa uu sheegay inay hoos u dhacday lacagihii shaqaalaha, sidoo kalena aysan Imaaraadka ka imaan lacagtii laga sugayay ee ay ugu tala gashay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay xubno ka tirsan Guddiga Maaliyadda inay ku heystaan inuu u fuliyo mashruuc, isagoo warbixinta ku tilmaamay mid mala awaal ah.

Kulanka Baarlamaanka oo ahaa mid xasaasi ahaa ayaa ka sokow doodaha adag ee dhex maray Xildhibaanada waxaa wehliyay buuq mararka qaar hareynayay, waxaana kulanka ka dhex muuqday wasiirada Xildhibaanada ah oo ku soo tala galay inay is difaacaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: