Advertisements
Wararka

Xubno ka mid ah guddiga Maaliyada ee Golaha Shacabka oo ka hor yimid warbixintii guddiga…


Ilaa 10 xubnood oo ka tirsan guddiga Maaliyada Golaha Shacabka ayaa ka hor yimid islamarkaana sheegay in aysan waxba kala socon warbixintii dhawaan ay shaaciyeen xubnaha guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada u qaabilsan Golaha Shacabka.

Qoraal ay xubnahan u qoreen guddoonka Golaha Shacabka ayeey ku sheegeen in ay cabasho ka yihiin warbixintii dhawaan la baahiyay ee guddiga Maaliyadu ku eedeeyay hay’addaha dowladda gaar ahaan Wasaarrada Maaliyada iyo maamulka gobolka Banaadir wax is daba-marin.

Warbixinta guddiga maaliyada oo aheyd mid xasaasi ah ayaa ku eedeysay Wasaarada Maaliyada iyo maamulka Gobolka Banaadir musuq maasuq iyo in la lunsaday lacago Malaayiin dollar ah oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn sida loo isticmaalay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: