Advertisements
Wararka

Guddiga doorashada ee M/weynaha Koonfur Galbeed oo maanta bilaabaya diiwaangelinta…


Guddiga cusub ee Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta bilaabaya diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan xilkaas, iyadoo diiwaan gelinta ay socon doonto labo cisho.

Guddigan oo dhowaan la magacaabay ayaa shalay xilka kala wareegay Guddigii hore ee is casilay, waxaana muddo 10 cisho gudahood laga doonayaa inay ku qabtaan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Musharaxiin dhowr ah ayaa u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo 5-ta bishan December ka dhaceysa magaalada Baydhabo, waxaana Musharaxiinta ay wadaan olole xooggan.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa labo jeer dib loo dhigay, waxaana dib u dhaca sabab u ahaa khilaaf horay uga taagnaa habka doorashada u dhaceyso iyo faragelin ay ka cabanayeen Guddigii hore ee doorashada Madaxweynaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5398 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: