Advertisements
Wararka

Midowga Yurub oo ansixiyey heshiis uu dalka Britain uga baxayo Midowga…


Hoggaamiyayaasha 27-ka waddan ee Midowga Yurub ayaa ansixiyey heshiis ay dalka Biritan kaga baxayso Midowgaasi, isla markaana u gogol-xaaraya nooca iskaahsiga ay mustaqbalka yeeelan doonaan labada dhinac.

Hogaamiyaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa sheegay in 27da hogaamiye ee Midowga Yurub kulan ay ku yeesheen ayaa lagu taageeray heshiiska qorshahaasi iyo waliba cahdi siyaasadeed oo ku aadan mustaqbalka xiriirka Britain iyo Midowga Yurub.

Hesiiskan ayaa cayimaya waqtiga ay Britain ka baxayso oo ah 29-ka bisha March 2019 iyo waliba hanaanka xiriirka mustaqbal ee ay yeelan doonaan labada dhinac.

Rai’sul wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa hada waajahaysa shaqo adag oo ah inay heshiiska ka dhaadhiciso baarlamaanka Britain (House of Commons) oo aan la malayn Karin natiijada.

Sidoo kale madaxweynaha golaha Midowga Yurub Donald Tusk iyo Rai’sul wasaaraha dalka Spain Pedro Sanchez ay isla meel dhigeen xalka mustaqbalka Gibraltar oo ah dhul ku yaala xeebta koonfureed ee dalka Spain, arintaasi oo meesha ka saartay caqabadii hortaalay kulanka Midowga Yurub uu ka yeelanayay si uu u taageero qorshaha ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: