Advertisements
Wararka

Shan Musharax oo u taagnaa xilka M/weynaha Koonfur Galbeed oo ka baxay tartanka…


Illaa shan Musharax oo u taagnaa xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa galabta ku dhawaaqay inay ka tanaasuleen tartanka doorashada.

Musharaxiintan oo la baxay Isbedel Doon ayaa u tanaasulay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo isaga qeyb ka ahaa golaha is bedel doonka.

Bayaan si wadajir ah u soo saareen ayaa waxay ku shaaciyeen inay u tanaasuleen Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Golaha Is bedel doonka Koonfur Galbeed ayaa waxay isugu jireen siyaasiyiin horay xilal wasiir uga soo qabtay dowladda Federaalka iyo rag ka soo shaqeeyay hey’adaha caalamiga.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhici doonta 5 bisha December ayaa waxaa sida muuqata ugu cad cad Xuseen Cusmaan Xuseen oo ahaa Taliyihii hore Nabadsugida, Mukhtaar Roobow iyo C/casiis Lafta Gareen oo ah Musharax ay taageereyso dowladda Federaalka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: