Advertisements
Wararka

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyo culus oo Koonfurta Gaalkacyo ka dhacay…


Xoogagga Al-shababa ayaa sheegatay mas’uuliyada Qaraxyo culus iyo weerar toos ah oo saakay lagu qaaday xarun uu Koonfur magaalada Gaalkacyo ka deganaa Wadaad lagu magacaabo Cabdiwali Cali Calmi Yare.

Al-shabaab ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in weerarkaasi ay ku dileen sida ay hadalka u dhigeen Cabdiwali Cali Cilmi oo xaruntaasi maamulayay, iyaga oo ku eedeeyay islamaarkaan sheegay in uu ahaa shaqsi Nibinimo sheegtay.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen 11 ruux oo ilaalo u ahaa Wadaadka, waxaana sidoo kale jira tiro badan oo dhaawacyo ah oo loo qaaday isbitaallada magaalada Gaalkacyo.

Xarunta la weeraray ayaa saldhig u aheyd kooxo dhalinyaro ah oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho da’yar halkaa ku qaadi jira digri lagu laray Music, waxaana erayada ay ku luqaayaan ka mid ahaa Aayado Qur’aan ah taasoo dad badan siweyn uga xumaadeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5394 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: