Advertisements
Wararka

Doon ku degtay Harada Victoria oo la xaqiijiyey dhimashada dad badan…


Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhintay kadib markii doon ay saarnaayeen ay kula degtay harada Victoria ee Uganda sida uu xaqiijiyay ku xigeenka afhayeenka ciidamada Booliska.

Patrick Onyango ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in doonta ay waday in ka badan tankii loogu tala galay mida labaadna ay tahay iyada oo socdaaleysay jawiga oo xumaa.

Doonta ayaa tirada dadka loogu tala galay waxay aheyd 84 ruux balse sargaalkan ma uusan shaacin tirada rasmiga ah ee doonta saarneyd.

Ilaa iyo hada waxaa la helay meydadka 27 ruux waxaana suura gal ah in la helo meydad kale sida uu tibaaxay Mr Onyango.

Saraakiisha ayaa maalinkii shalay sheegay in 10 ruux ay ku dhinteen harada ugu dheer ee Qaarada Afrika.

Doontan ayaa dhanka kale la xaqiijiyay in aysan heysan ogolaanshaha socdaalka dowlada taasi oo ka dhigan in ay si sharci daro ah ku howlgaleysay.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in ay sharciga marsiin doonaan kuwii mas’uulka ka ahaa mashaqadaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: