Advertisements
Wararka

Dowlada Imaaraadka oo sii deysay Arday u dhashay Ingriiska oo ku xukunnaa xabsi daa’in…


Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa sii deysay arday u dhashay Ingriiska oo lagu magacaabo Matthew Hedges, kaasi oo todobaadkii la soo dhaafay lagu xukumay xabsi daa,in kadib markii lagu eedeyay in uu howlo basaasnimo ah ka waday dalkaas.

Hedges, oo 31 jir ayaa lagu sii daayay isniinta maanta cafis madaxweyne, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Imaaraadka.

Ardaygaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa in ka badan 700 oo maxbuus kuwaasi oo lagu sii daayay amar cafin ah oo ka soo baxay madaxweyne Khalifa bin Zayed Al Nahyan, taasi oo la xiriirta munaasabada maalinta qaran ee Imaaraadka.

Matthew Hedges, ayaa dib ugu laaban doono dalkiisa Britain marka ay dhamaato isla maanta saxiixyada hanaanka dowlad ee uu maro maxbuuska sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Dubai.

Xaaska u dhaxda ardaygaan oo lagu magacaabo Daniela Tejada, ayaa barta ay ku leedahay Twitter-ka waxay ku soo qortay in cafiska madaxweyne uu ahaa war u wanaagsan iyada maadaama seygeeda la sii daayay.

Waxay mahad celin u dirtay saaxiibada wariyeyaasha, dadweynaha iyo qoyskeeda oo garab istaagay intii uu xirnaa, Matt.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5398 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: