Advertisements
Wararka

Dhaxal sugaha Sacuudiga oo codsadey inuu la kulmo M/weynaha Turkiga shirka G-20…


Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa ka codsaday madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan in uu la kulmo inta la gudo Jiro shirka soo socda ee mudada 2da maalin ah ay wadamada G20-ga ku yeelan doonaan dalka Argentina.

Wasiirka arimaha dibeda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa xaqiijiyay arintaan waxaana uu intaa raaciyay in madaxweynaha uu ku jawaabay in ay arki doonaan sida xaalada ay noqoto.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Mr Cavusoglu ,kadib wareysi uu siiyay majalada maalinlaha ah ee Sueddeutsche Zeitung oo ka soo baxda Jarmalka.

Waxaa uu sheegay in waqtigaan aysan jirin sabab daruuri ah oo Mr. Erdogan kula kulmo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan.

Labadan hogaamiye ayaa ku kulmi doona magaalada caasimada ah ee Buenos Aires, oo shirka wadamada G20-ka uu ka dhacayo 30 November ilaa 1-da bisha December.

Xiriirka Turkiga iyo Sacuudiga ayaa xumaaday kadib dilkii magaalada Istanbul 2-dii bishii October loogu geystay wariye Jamal Khashoggi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5396 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: