Advertisements
Wararka

Nin horey weerar ugu qaaday bus ay la socdeen kooxda Borussia Dortmund oo la xukumay…


Maxkamad ku taal Jarmalka ayaa maanta 14 sano oo xabsi ah ku xukuntay ninkii ka danbeeyay weerar sanadkii la soo dhaafay lagu qaaday Bus ay saarnaayeen kooxda kubada cagta ee Borussia Dortmund.

Wakaalada wararka ee DPA oo magaca eedeysanahaan ku soo koobtay Sergej W ayaa tabisay, in lagu eedeyay ninkaan 28 danbi oo isku day dil ah kana dhan ah kooxda Dortmund.

Weerarkaan ayaa waxaa ku dhaawacmay difaaca kooxda Marc Bartra iyo sargaal ka tirsan ciidamada booliska.

Ciyaartoyda ayaa waqtigaas ka tagay hotelka iyagoo ku wajahnaa garoonka si ay u cayaaraan 11-kii bishii April kulan ka tirsan koobka kooxaha horyaalada yurub ee Champions League.

Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay in ninkaan uu ku hadaaqayay kalimada Allah markii uu geestay qaraxa Bamka.

Baaritaano kale oo booliska sameeyeen ayaa lagu ogaaday suura galnimada in uu ka tirsan yahay taagerayaasha dagaal yahanada daacish ee wadamaa suuriya iyo Ciraaq.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: