Advertisements
Wararka

Xildhibaan Mahad Salaad oo weerar afka ah ku qaaday Guddoomiye ku-xigeenka labaad…


Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa weerar afka ah ku qaaday Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad, isagoo ku eedeeyay inuu afduubay Golaha Shacabka kulankii maalintii sabtidii.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddoomiye kuxigeenka labaad uu isku dayay inuu handado warbaahinta madaxa banaan, sida uu hadalka u dhigay

“Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka inta ku kacay ficiladdii iyo habdhaqankii foosha xumaa ee lagu afduubay Golaha Shacabka iyo Gudiga Maaliyada maalintii Sabtiga 24/11/2018 in hadana uu isku dayo in uu handado warbaahinta madaxa banaan waxay gaf labaad ku tahay sharafta iyo karaamada gudoonka Golaha Shacabka”ayuu yiri Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Mucaaradka ah

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo xilligan safar dibadda ah ku maqan inuu qabsado mas’uuliyadii loo doortay, kana jawaabo waxa uu ugu yeeray xad gudubka iyo gafafka uu ku kacayo Guddoomiye Mahad Cawad.

“Waxaan ugu baaqaynaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka in uu qabsado mas’uuliyadii aan u dooranay kana jawaabo xad gudubka iyo gafafka uu ku kacayo gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee sida muuqata haya shaqo dad kale uu wakiil uga yahay looguna gafayo sumcada gudoonka, dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla”ayuu yiri.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad ayaa maalintii sabtidii waxba kama jiraan ka soo qaaday Warbixintii Guddiga Maaliyadda ee ku saabsaneyd musuqa lagu eedeeyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir, waxaana dood ka dhalatay warbixintaas oo Baarlamaanka hareysay uu markii dambe Guddoomiyaha ku soo gabagabeeyay in warbixintaas aan mar dambe laga hadli doonin, isla markaana aan la soo marin hab raacii sharciga ahaa, waxaana intaas kadib uu raalli gelin siiyay Wasaaradda Maaliyadda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5395 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: