Advertisements
Wararka

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Uganda oo dalka dib loogu soo celiyay…


Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaa maanta lagu soo dhaweeyay dhallinyaro Somaliyed oo mudo ku dhow 5 Sano ku xirnaa Wadanka Uganda.

Dhallinyaradan oo tiradooda ay eheyd 6 Ruux, waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan Dowladda, kuwaasoo ay kamid ahaayeen; Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Somaliya.

Dhallinyaradan oo ku xirnaa Uganda tan iyo sanadii 2014, Waxaa sii deyntooda kaalin ku lahaa Dowladda Somaliya oo dhowr jeer Madaxda Uganda kala hadashay sidii dib xoriyadooda loogu siin lahaa.

Qaar kamid ah dhallinyarada dalka dib loogu soo celiyay, waxey Saxaafada u sheegeen iney ku faraxsanyihiin soo deyntooda, iyagoo Mahad gaar ah u jeediyay Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xukuumada Somaliya, waxey hore ugu guuleysatay sii deyntooda maxaabiis badan oo Somali ah kuwaasoo ku xirnaa wadamada; Liibiya, India, Seychelles iyo Itoobiya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5398 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: