Advertisements
Wararka

Jubbaland oo sheegtay in aan weli la dhameyn khilaafkii dowlada iyo dowlad goboleedyada…


Maamulka Jubbaland ayaa meesha ka saaray in la dhammeeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaddib markii Guddiga u qaabilsan Aqalka sare xalinta khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka ay sheegeen inay inta badan la xaliyay khilaafka, iyagoo qodobo ay soo saareen ka dalbaday dowladda Federaalka inay fuliso.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka Aqalka Sare, isagoo xusay inay taasi ka dhigneyn in la dhammeeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

“Qeyb yar oo ka mid ah waxyaabaha ay isku khilaafsan yihiin Maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda dhexe ayaa la xaliyey waana arrin muhiim ah oo bilow fiican ah balse waxaa iyana dhibaato ah in la dhaho waa la xaliyey oo waa la soo afjaray khilaafkaasi, iyadoo aan weli la isku fahmin waxyaabo badan oo markii horeba sabab u ahaa khilaafkaasi”ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyada Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa ka mid ah maamulada uu khilaafka gaarka ah u dhaxeeyay dowladda Federaalka, waxaana dhowr jeer uu sheegay in dowladda Federaalka faragelin ku heyso maamulkooda iyo maamulada kale ee dalka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: