Advertisements
Wararka

Taliyaha AFRICOM oo booqasho lama filaan oo qarsoodi ah ku yimid Mogadishu…


Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Gen Thomas D. Waldhauser ayaa booqasho lama filaan ah shalay ku yimid magaalada Muqdisho, inkastoo booqashadaas aheyd mid qarsoodi ah oo aan la shaacin.

Taliyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Saraakiil kale.

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Maxalliga Gen. Thomas D. Waldhauser ayaa kulan albaabada uu u xirnaa la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo kulanka uu saacado badan qaatay.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa garoonka diyaaradaha kula kulmay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, arrimaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah la dagaalanka Al-Shabaab, taageerida Mareykanka ee dowladda Federaalka iyo arrimo kale.

Inkastoo kulankan aanay shaacin Madaxtooyada iyo warbaahinta dowladda, hadana ilo madax banaan ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Farmaajo uu dhowr saacadood kulan albaabada u xiran la qaatay Saraakiisha Mareykanka, kaddib markii uu shalay ka yimid Nairobi.

Taliyaha ayaa sheegay in dalab kasta oo dowladda Federaalka uga yimaada ay sameyn doonaan, haddii ay tahay taageerada dhinaca milateri.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika oo loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa kordhiyay waxaa uu qoraalo ka soo saaraa duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab oo lagu taageero dowladda Soomaaliya, waxaana sanadkan kaliya kordhay weerarada duqeymaha ee Mareykanka ka fuliyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: