Advertisements
Wararka

Al-Shabaab oo sii daayay labo muwaadin Kenyan ah oo ka soo afduubteen tuulo u dhow Wajeer…


Al-Shabaab ayaa sii daayay labo ruux muwaadiin Kenyan ah oo 22-kii bishan ka soo afduubteen tuulo u dhow magaalada Wajer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi Bari Maxamed Birik ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay sii daayeen labo ruux oo xoolo dhaqato ahaa.

Sii deyntan ayaa ka dambeysay, kaddib wada hadal dhex maray Al-Shabaab iyo dadka ay ka soo jeedaan xoolo dhaqatada la afduubtay

Wararka ayaa sheegaya in xoolo dhaqatada la afduubtay, kaddib markii ay bixi waayeen lacago lagu sheegay in lagu soo rogay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay bilaabeen inay ku soo rogaan xoolo dhaqatada iyo beeraleyda inay bixiyaan zakawaad.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: