Advertisements
Wararka

Midowga Yurub oo ka hadlay midab takoorka lagu hayo dadka madow ee ku nool…


Midowga Yurub ayaa waxaa uu sheegay in takoor xoogan wajahayaan dadka madowga ah ee ku nool qaarada ee aan u dhalan.

Dadka Afrikaanka ayaa waxaa heysta dhibaato dhanka hoyga shaqo la,aan iyo cabsi galin lagu hayo qaarkood gaar ahaan kuwa dac dareysan wadooyinka.

Warbixinta uu soo saaray gudiga Midowga Yurub ayaa dhanka kale lagu cadeeyay in Booliska dalalkan ay baaritaan iyo koontarool joogta ah ku hayaan muwaadiniinta Afrikanka.

Dadka sida goonida ah ay u saameysay ayaa waxaa lagu sheegay in ay yihiin dhalinyarada madowga ah.

76 boqolkiiba ayaa warbixintu ku sheegtay in aysan heysan shaqo, waxbarasho iyo tababarada xirfadaha kala duwan,waxaana lagu qiyaasa boqolkiiba 8 in ay tahay Afrikaanka ku nool qaarada Yurub.

Warbixinta ayaa dhanka kale lagu sheegay in 15 boqolkiiba ay tahay milkiilayaasha Afrikaanka ah ee guryaha ku leh yurub taasi oo ka dhigan in 70 boqolkiiba aysan suura gal aheyn in ay guryo gataan.

41 boqolkiiba ayaa lagu sheegay in dadkaan marka ay la kulmaan booliska loogu yeero hadalo ay dhibsadaan ama ka muuqda midab takoor.

Midowga Yurub ayaa tilmaamaya in sadexdii qof oo Afrikaan ah oo ku nool dalalka Yurub uu mid ka mid ah la dhibtoonayo midab takoor iyo cabsi galin lagu hayo.

Dhibaatadan ayaa sii kordheysay shantii sano ee la soo dhaafay sida lagu sheegay warbixinta maanta Midowga Yurub uu ka soo saaray xaalada nololeed ee muwaadiniinta u dhashay Afrika.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: