Advertisements
Wararka

Al-Shabaab oo saaka la wareegay deegaanka Goofgaduud Burey ee gobolka Bay…


Al-Shabaab ayaa saaka la wareegay deegaanka Goofgaduud Burey oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Sida wararku sheegayaan Al-Shabaab ayaa weerar toos ah iyo qaraxyo ku qaaday saldhig ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaanka, iyagoo markii dambe la wareegay saldhigga.

Ciidamada dowladda ayaa isaga baxay deegaanka, kaddib markii Al-Shabaab ay gudaha u soo galeen, jihooyin dhowr ay ka soo weerareen.

Khasaaro kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu ciidamada dowladda ka soo gaaray qaraxyo iyo dagaalka lagu soo qaaday.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee la wareegay deegaanka Goofgaduud ay ku hubeysan yihiin gaadiidka dagaalka.

Ciidamo gurmad ah ayaa ka baxay magaalada Baydhabo, kuwaasoo ku sii jeeda deegaanka Goofgaduud.

Deegaanka Goofgaduud ayaa muhiim u ah sugida amniga magaalada Baydhabo oo dhowaan ay ka dhici doonto Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dhowr jeer oo hore deegaanka ayaa waxaa ka dhacay dagaalo isku bedelay gacan ku heynteeda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: