Advertisements
Wararka

Diyaarad ciidamo sida oo ka degtay Baydhabo iyo Xildhibaano ka hor yimid arrinkaasi…


Diyaarad ciidamo sida ayaa goor dhow ka degtay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo ciidamadan ay dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka diyaaradan ayaa siday ku dhowaad boqol askari, oo ah ciidamada booliska ee sida gaarka ah u tababaran.

Wariyeyaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamadan Booliska la dejiyay xarumo ku dhow Madaxtooyada Baydhabo.

Wasaaradda Amniga dowladda Federaalka ayaa dhowaan war ka soo saartay xaalada amniga Baydhabo, iyadoo shaacisay inay jiraan shaqsiyaad ku howlan fal dambiyeedyo ka dhan ah xasilloonida iyo degenaanshaha.

Lama oga ujeedka rasmiga ee loo diray Ciidamadan, hase ahaatee waxaa dhowaanahan taagnaa walaac ku aadan xaalada Baydhabo oo si gaar ah dowladda Federaalka loogu eedeeyay in diyaarado sidda baabuur aan xabadaha karin iyo hub ka dejisay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ku eedeeyay dowladda Dhexe inay faragelin ku heyso arrimaha Koonfur Galbeed, isla markaana ciidan iyo hub ka dejisay, iyadoo taageereyso musharaxiin.

adan-madow

Xildhibaano uu hormuud u yahay Sheekh Aadan Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa sheegay in ciidamadan la keenay Baydhabo ay halis ku yihiin amniga, isagoo ugu baaqay dowladda federaalka inay dib u celiso.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda in aysan dalka cuqubo ka gelin oo aanay gacantooda ku dimin, isagoo xusay inay ka soo horjeedaan in wax lagu qasbay shacabka in la sameeyo.

Hase ahaatee waxaa jirta cabsi laga qabo in ciidamadan ay ku lug yeeshaan arrimo siyaasadeed, waxaana imaanshahooda ay ku soo aadeen xilli xasaasi ah oo la filayo in 5-ta bisha December ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: