Advertisements
Wararka

M/weynaha Faransiiska oo si rasmi ah u sheegay inuu la kulmi doono dhaxal sugaha…


Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in uu la kulmi doono dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Salmaan inta uu socdo shirka dalalka barwaaqo sooranka ee G 20 sida ay tabisay wakaalada wararka ee Reuters.

Hadalka hogaamiyaha Faransiiska ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Argentina Mauricio Macri uu sheegay in ay jiri doonto cabasho ka dhan ah dhaxal sugaha inta lagu gudo Jiro shirka Buenos Aires.

Faransiiska ayaa waxaa uu aad u dhaleeceyay boqortooyada Sacuudiga kadib dilkii 2-dii bishii October qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul loogu geestay wariye Jamal Khashoggi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: