Advertisements
Wararka

M/weynaha Mareykanka oo hakiyey shir uu la yeelan lahaa M/weynaha Ruushka…


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hakiyay kulan uu la qaadan lahaa dhigiisa Ruushka Vladimir Putin sababo la xiriira xaalada Ukraine.

Labadan mas’uul ayaa la filayay in ay ku kulmaan inta uu socdo shirka wadamada G20 oo ka dhacay dalka Argentina.

Waxaa uu sheegay in sababta uu u qaatay go’aankan ay tahay iyadoo wali Ruushka uusan celin maraakiibta iyo badmaaxyada uu ka qabsaday Ukraine.

Trump ayaa sheegay in uu la kulmi doono dhigiisa Ruushka hadii xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya Kiev iyo Moscow.

Hadalkaan ayaa waxaa uu ku soo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: