Advertisements
Wararka

Madaxweynaha Argentina Mauricio Macri oo furay Shirka G20 oo ka dhacaya dalkiisa…


Madaxwaynaha Argentine Mauricio Macri ayaa Isniintii furay shirka G20 oo sanadkan dalkiisa marti gelinaya oo mowduuc looga dhigay “isku raacsanaanta horumarinta siman iyo joogtaynta”.

Ka hor kulankooda labada maalmood soconaya, hoggaamiyayaasha G20 ayaa galay kulan albaabada ay u xirnaayeen. Waxay sidoo kale isla galeen sawir kooxeed ka hor shirwaynaha, shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya 38 wafdi oo ka socda wadamo, ururo, hay’ado iyo marti sharaf kale.

Furitaanka shirka ayaa madaxweynaha Argentina Macri uu sheegay in ay ka wada hadli doonaan arrimaha cimilada, kaabayaasha iyo sii jiritaanka dhaqaalaha. Wuxuu ku daray in ay mudan tahay in la ixtiraamo Kala duwanaanshaha, khilaafaadkana lagu xaliyo si nabad gelyo ah, lana tixgeliyo danaha guud ee dowladaha ka dhaxeeya.

Kadib Kulanka kowaad, hoggaamiyeyaasha iyo madaxda dowladaha iyo wakiillada ka qeyb galaya shirkan ayaa si gooni gooni ah u kulmi doona.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: