Advertisements
Wararka

AFRICOM oo sheegtay in 9 dagaalame oo al-Shabaab lagu dilay weerar dhinac cirka ah…


Taliska Ciidamada Mareykanka ee ka jooga Qaarada Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa ka hadlay duqeyn dhinaca cirka ah oo ka dhacay gobolka Baay.

Qoraal ka soo baxay AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeyn cusub oo dhinaca cirka ah uu ka fuliyay deegaanka Lebede, waxey u dhexeysaa Diinsoor iyo Buurhakaba.

AFRICOM, Waxey sheegtay in weerarka ay ku dishay 9 dagaalame oo katirsan Shabaab, waxey meesha ka saareen in duqeyn wax dhibaato ah ay ka soo gaartay dadka Shicibka ah ee ka agdhowaa goobta gantaalada lala dhacay.

Majirto ilo ka madax banaan Mareykanka oo xaqiijinaya Sheegashadooda, waxeyna duqeyntan ay noqoneysaa mid ka mid ah duqeymihii uu ka fulin jiray Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: