Advertisements
Wararka

Nin dilaa ah oo gudaha Mareykanka ku dilay 90 qof muddo 40 sanadood ah…


Nin dilaa ah oo xabsiga ku jira ayaa baaritaan lagu sameeyay, kaddib markii uu qirtay inuu Mareykanka dhexdiisa ku dilay 90 qof, muddo 40 sanadood gudahood ah.

Waaxda dambi-baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa aaminsan in Samuel Little, oo 78 jir ah uu ka mid yahay dadka dilalka ugu badan geystay ee lagu xusi karo taariikhda dalkaas.

Laamaha kala duwan ee dowladda ayaa hadda ka shaqeynaya sidii ay isugu aaddin lahaayeen qirashadiisa iyo dilal fara badan oo dalkaas loogu geystay tobannaan haween ah, intii u dhaxeysay sannadihii 1970-kii ilaa 2005-tii.

Dambi-baareyaasha ayaa sheegaya iney ilaa hadda xaqiijiyeen in ninkan uu ka dambeeyay 34 dil islamarkaana ay ku howlan yihiin sidii ay u soo saari lahaayeen kuwo kale.

Little ayaa hadda qaadanaya xukun xabsi daa’in ah oo lagu riday sannadkii 2014-kii, ka dib markii lagu helay inuu dilay 3 haween ah.

Wuxuu gacanta ciidammada ammaanka ku jiray tan iyo bishii Siteembar ee sannadkii 2012-kii, markaas oo loo xiray eedeymo la xiriira ka ganacsiga maandooriyaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5398 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: