Advertisements
Wararka

Wasiirka cilmiga sayniska iyo jaamacadaha ee UK oo iska casilay xilkiisa…


Wasiirkii wasaaradda cilmiga sayniska iyo Jaamacaddaha dalka UK Sam Gyimah ayaa is casilay wuxuuna sheegay in isaga oo ay wanaag ka tahay uusan taageeri karin heshiiskan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Iscasilaada Wasiirka ayaa timid ka dib markii Theresa May ay ku dhawaaqday in ay heshay taageerada golaha wasiirrada ee heshiiska, islamarkaana baarlamaanka la horgeyn doono qorshaha ka bixitaanka Midowga Yurub ee UK.

Waa Wasiirkii Todobaad oo iscasilay Bishan Gudaheeda ,taasoo ka dhigan in wasiiradda ay kasoo horjeedaan qorshaha ka bixitaanka UK.

Tiro wasiirro ah ayaase la fahamsan yahay in ay sheegeen hadallo ka dhan ah arrintaas.

Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee dalkaasi Mr Corbeyn ayaa May iyo maamulkeeda ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen dardar gelinta qorshaha BREXIT oo uu sheegay in ay dadka reer Britain u sheegtay in ay ahmiyad gaar ah siin doonto qorshahaasi.

Waxaa la fahansanyahay in May aynan sidii loo baahnaa wax ugu qaban qorshaha BREXIT waxaana xusid mudan in Raisul wasaarihii kaga horeeyey xafiiska Mr Cameroon in uu xilka u baneeyey sidii loo hana qaadi lahaa ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: