Advertisements
Wararka

Dhagxan waaweyn oo lagu jaray Isgoyska Zoobe oo abuuray ciriiri xoog leh…


Dadka reer Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay, iyadoo bartamaha Isgoyska Zoobe oo ah halkii sanadkii hore ay ku dhinteen dad ka badan 500 ruux la dhigay dhagxaan waaweyn oo lagu jaray halkii gaadiidka ay ku kala wareegi lahaayeen.

Dhagxaantaan ayaa la sheegay xalay in la dhigay, inkastoo illaa hadda aysan jirin cid toos uga hadashay oo faah faahisay ujeedada dhagxaantaan meesha loo dhigay.

Laakiin dadka ayaa si wayn u hadal haayaa cariiriga ka jira laamiga Zoobe inay sabab u noqotay in dhagxaanta halkaasi la dhigo, si gaadiidka isku xanibma ay u kala nafisaan.

Dhagxaantaan kaliya waxa ay saameynayaan gaadiidkii u leexan jiray dhanka Buulo Xuubey ee aadi jiray Madiina, waxaa u furan oo kaliya Wasaaradda Arrimaha dibadda horteeda inay ka soo leexdaan ama Laami yaraha Zoobe ay ka leexdaan.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaanan wali ka hadlin arrintaan, balse dadka ayaa siyaabo kala duwan uga fal celinaayo in arrintaan ay abuuri karto dhibaato hor leh oo ciriiri wadada ay sii galin karto.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: