Advertisements
Wararka

Jim Mattis oo sheegay in Ruushku uu isku dayey inuu farageliyo doorashadii bishii November…


Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Jim Mattis ayaa sheegay in Ruushka uu isku dayay in uu faragalin ku sameeyo doorashada dhexe ee Mareykanka oo dhacday bishii la soo dhaafay si la mid sanadkii 2016-kii oo uu xilka ku guuleestay Donald Trump.

Waxaa uu sheegay in aysan shaki ku jirin in arimahaan ay xanibayaan horumar laga gaaro xoojinta xiriirka diblumaasi ee u dhaxeeya Moscow iyo Washington.

Mattis ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu warfidiyeenada kula hadlay kadib kulan ka dhacay Xarunta Gaashaandhiga ee Reagan oo ku Taal California.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin “ayaa isku dayay in uu carqaladeeyo hanaanka doorashada isaga oo wali sii wada arintaan labadii doorasho ayuu yiri Xoghayaha Difaaca.

Mr Mattis ayaa ugu danbeyn xaqiijiyay in aysan jirin hanjabaado sidaasi u xoogan oo ay ka qabaan in Ruushka uu ku waxyeeleeyo hanaanka doorashada ayna difaaci doonaan caqabad kasta oo kaga timaada maamulka Moscow.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: